Muqdisho ( Sh. M. Network )- Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow ayaa qeylo dhaan ka muujiyay Biyo la’aan ka jirta goboollada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay gureen Wabiyadii dalka, islamarkaana dadku ay isticmaalayaan xilligan Biyo wasaqeysan , taasi oo sababi karto caafimaad darro.

Sidoo kale wasiirka Tamarta iyo Biyaha Soomaaliya ayaa xusay in Biya la’aantaasi ay ka jirto dhammaan deegaanada maamul goboleedyada dalka.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa ugu baaqay hay’adaha gargaarka in ay caawinaad deg deg ah ay u fidiyaan dadkaasi, islamarkaana ay ka qeyb qaataan mashaariicyo Ceelal Biyood loogu qodayo dadkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.