Xudur ( Sh. M. Network)-Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ay la socdaan Kolonyo Gaadiid Dagaal ah ayaa xalay  gaaray deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Sida uu u xaqiijiyay Idaacadda Shabelle Col Cabdullaahi Sheekh Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bakool xalay abaaro 2:00AM ayaa waxaa deegaanka Abal gaaray Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur oo ay galbinayaan Gaadiid Dagaal.

Maalmo ka horay Ayaa Abuu Mansuur iyo dagaalamayaashiisa waxa ay dib uga gurteen deegaankaasi Abal oo illaa 18 Km u jira degmada Xudur kadib markii Xarakada Al Shabaab ay weerar xoogan ku soo qaadeen.

Ugu dambeyn Col Cabdullaahi Sheekh Maxamed ayaa xusay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Gobolka Bakool looga saarayo Xarakada Al Shabaab.