Muqdisho (Sh M Network)—Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya  ayaa shaqadii ka joojisay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya .

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa u qornaa sida tan :

Laga bilaabo maalinta uu saxiixo wasiirku xeerkan waxaa la baabiyay lana burburiyay jiritaanka rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed, iyadoo la cuskanayo sharciyada kor ku xusan .

Laga bilaabo maalinta weegtadan uu saxiixo wasiirku waxaa la joojiyay cid kasta oo la soo xiriiri jirtay ama macaamiil la laheyd rugtii ganacsiga iyo warshadaha ee shaqa laga joojiyay dibad iyo gudahaba sida rugaha ganacsiga iyo warshadaha maamul goboleedyada iyo kuwa caalamka .

Wasaaradu waxa ay soo cayimi doontaa waqtiga la qabanayo doorashada maamulka rugta ganacsiga iyo warshadaha marka ay la tashato ganacsatada soomaaliyeed rugaha maamul goboleedyada iyo madaxda ay quseyso .

Laga bilaabo waqtiga wareegtadan la saxiixo ma jiri karo shaqsi ama hay’ad sharci u haysata in uu ku hadlo magaca rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed .

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa waxaa lagu wargaliyay labadii dhinac ee isku haye maamulka rugta ganacsiga iyo warshadaha  gobolka banaadir in doorasho xor iyo xalaal ah loogu qaban doono magaalada caasimada ee muqdisho .

Dhanka kale waxaa arintan si kulul uga hadlay madaxda rugta ganacsiga iyo warshadaha soomaaliyeed ee shaqada laga joojiyay .

Agaasimaha rugta ganacsiga iyo warshadaha, C/laahi Abshir Dhoore oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan xaq u la heyn wasaarada ganacsiga iyo warshadaha in ay hakad geliso shaqada iyo howlaha rugta ganacsiga.

Wareegtadan ayaa imaaneysa xili wasiirka wasaarada ganacsiga iyo warshadaha xukuumada Soomaaliya, Khadro Axmed Ducaale ay wadanka dibadiisa ku maqan tahay.