Kismaayo ( Sh. M. Network )-Shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo 4-tii bishan ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaaladaasi.

Shirkan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay arrimaha amniga, siyaasadda, doorashooyinka 2020-ka, Dastuurka iyo arrimo kale.

Amniga

Ugu horreyn goluhu waxa ay sheegeen in DFS ay ku fashilantay maareynta amniga iyo in ay hoggaamiso barnaamijka dhismaha amniga Qaran ee dalka.

Sidoo kale waxa ay walaac ka muujiyeen siyaasadeynta hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka oo ay tilmaameen, haddii si sax ah loo maareeyo in ay noqon karto lafdhabarta dagaalka lagula jiro Al Shabaab.

Goluhu waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen in in badan dhaqaalihii loogu talagay amniga loo weeciyay arrimaha siyaasadda, taasina ay keentay in hanaankii amniga uu wiiqmay, sid ay hadalka u dhigeen.

Siyaasadda

Muddadii uu socday shirkan ayaa waxaa kale oo looga hadlay arrimaha siysaasadda dalka, si guud iyo si gaar ahaaneed intaba.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in marka hore ay walaac ka muujinayaan qalalaase iyo kala tag siyaasadeed oo haatan ka jira Soomaaliya.

Waxa ayna ka digeen fara galin ay sheegeen in dowladda dhexe ay ku heyso maamul goboleedyada, iyadoo loo isticmaalyao dhaqaale lala beegsanayo Baarlamaan goboleedyada dalka iyo magacaabista saraakiil Ciidan oo aan lagala tashan.

Doorashooyinka

Hoggaamiyeyaasha maamul gobooleedyada dalka ayaa War-murtiyeedkooda ku sheegay in ay si wada jir ah u soo dhaweynayaan in doorasho 1 qof iyo 1 cod ah laga qabto dalka, taas oo ay sheegeen in la heli karo marka la wada shaqeeyo.

Gunaanad

Ugu dambeyn War-murtiyeedka ka soo baxay shirka Kismaayo ayaa lagu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay ka quusteen in dowladda Soomaaliya ay meel mariso heshiisyadii iyo ballamadii horay loo galay, iyaga oo isku raacay qodobada soo socda:-

-In dowladda dhexe ay joojiso faragalinta ay ku heyso dowlad goboleedyada.

-In ay garawshiyo ka bixiso xiisad abuurka iyo faragalinta joogtada ah.

-In la helo hanaan iyo heshiis wadashaqeyn oo leh damaanad lagu kalsoonaan karo.

Haddaba inta laga helayo fulinta qodobodaasi muhiimka u ah wadashaqeynta labada dhinac, goluhu wuxuu hakiyay wadashaqeyntii u dhexeysay DFS iyo maamul goboleedyada hoos yimaada, ayaa lagu yiri War-murtiyeedka ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedya ay ku yesheen M/ Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

W/Q Cabdullahi Ismaan Cadaani

Halkan hoose ka Akhriso War-murtiyeedka