Muqdisho ( Sh. M. Network)-In ka badan 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa ay u gudbiyeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Mudan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudeey.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu eedeeyay in uu ku tuntay qodobo Dastuuri ah  oo ay ka mid yihiin Ragaadinta Geedi socodka dib u eegista Dastuurka oo aasaas u ah dib u yagleelidda Qaranimada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo lagu eedeeyay Caburinta Xubnaha Golaha Shacabka ee Afkaartooda doonaya in ay ka cabiraan Ajandayaasha looga hadlo kulamada Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa la sheegay in uu ku fashilmay in uu dhameystiro qaab dhismeedka  Guddiyada Baarlamaanka gaar ahaan  Guddiga adeega Baarlamaanka  oo ah Guddiga u qaabilsan Howlaha Baarlamaanka.

Dhinaciisa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Guddoomiye Jawaari ayaa ku eedeeyay in Afhayeenka Golaha Shacabka uu hoosaasiyay Mooshinno dhowr ah oo ay horay ugu gudbiyeen taas jabineysa sharciga isagoo tusaale u soo qaatay Mooshin ay ka keeneen Heshiiskii Maamulka Soomaaliland ay ugu wareejinayeen maamulka dekedda berbera shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee DP World.

Waa Mooshinkii ugu horreyay tan iyo markii ay curatay dowladda haatan ee majaraha u hayo marka laga reebo Isku dayo Mooshinno oo horay u dhaqaaqi waayay.

Waana arrin si weyn la’isula dhexmarayo iyadoo isha lagu wada hayo meesha uu ku dambeyn doono iyo waxa xiga.