Jowhar (Sh. M. Network)-Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Magacaabay Degmooyin Cusub oo ka mid noqonaya Maamulkiisa, kuwaas oo ku yaalla Gobolka Hiiraan.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa deegaanada Feerfeer, Moqokori, Buq,aqable iyo Buurweyn , ugu dhawaaqay in ay yihiin Degmooyin Rasmi ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayey ahayd markii deegaano kale oo ka tirsan Gobolkaasi Hiiraan uu Madaxweynaha Hirshabelle ugu dhawaaqay in ay yihiin degmooyin.