Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo loo adeedsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo Saddex ka mid ah ay ahaayeen ilaalada Xarunta degmadaasi ayaa ku geeriyootey qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 10 ruux oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka amniga siyaasadda ee maamulka dagmada Howlwadaag.

Sidoo kale dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah caruur wax ka baraneysay Dugsi Qur’aan oo ku yaalla halkaasi iyo Macalinkooda, sida uu xaqiijiyay maamulka Isbitaalka Madiina oo la gaarsiiyay dhaawacyadaasi.

Waxaa sidoo kale burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha xarunta degmada iyo sidoo kale Guryo ka agdhawaa halkaasi.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masiiuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay ku dileen in ka badan 10 Qof oo isugu jiray Askar, saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka degmada Howlwadaag, sida ay hadalka u dhigeen.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-