Balcad ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaano isku xira gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaaab oo ku sugan halkaasi.

Waxaana uu yimid, kadib markii Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa Cadaan ay weerar qorsheysan ku qaadeen saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin deegaanadaasi.

Wakaalladda wararka u faafiisa dowladda Soomaaliya ee Sonna ayaa lagu daabacay in weerarkaasi Ciidamada dowladdu ay ku soo furteen dad rayid ah oo u xirnaa Al Shabaab , sidoo kalena lagula wareegay deegaanada Basra iyo Baqdaad oo hoos-taga degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan Shabeelah Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Dhinaca kale war ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ayaa looga hadlay dagaalkaasi, sida lagu baahiyay barahooda Internet-ka.

Al Shabaab ayaa warkan ku beeniyay in lagala wareegay deegaanada Basra iyo Baqdaad, balse waxa ay sheegeen in ay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday.

Ma jirto illaa iyo haatan ilo madax banaan oo xaqiijin kara sheekashada labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haddan dagan, inkastoo weli dhaq dhaqaaqyo Ciidan laga dareemayo deegaanadaasi.