Mandera ( Sh. M. Network )-Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa 5 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya ku dilay magaalada Ceelwaaq oo ka tirsan degmada Mandera ee gobalka Waqooyi Bari Dalkaasi Kenya.

Al Shabaab ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan booliska dalka Kenya oo xilligaasi howgal roondo ah ka waday magaalada Ceelwaaq oo ku dhow xadka Soomaaliya, siday ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka maagalada Mandera.

Daniel Bundotich oo ah gusdoomiye ku xigeenka Mandera ayaa sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay ku dileen shan askari oo ka tirsanaa Ciidamada Booliiska Kenya,  gaar ahaan kuwa ilaaliya xuduudaha.

Mr Daniel ayaa intaasi ku daray Al Shabaab ay sidoo kale gubeen gaarigii ay wateen Ciidamadaasi oo howlgal lagu xaqiijinayo amniga ka waday deegaan ku dhow magaalada Ceelwaaq.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli Al shabaab ay wax ka yar todobaad weerar khasaarO geystay ku qaadeen saldhig Boolis oo ku yaalla deegaanka Ijaara oo ka tirsan degmada Garissa, halkaasoo ay ka kaxeysteen gaari Land Cruiser oo ay lahaayeen Ciidamada Kenya.

Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadaan Ciidamada kenya ee ku sugan gudaha dalkaasi,iyadoo weerarkii ugu darnaa sanadkii 2015-kii ay ku qaadeen Jaamacadda magaalada Garissa halkaas oo ay ku dileen 147 ruux oo badankood ahaa Ardayda Jaamacaddaasi.