Awdhgeegle ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelah Hoose ayaa sheegaya in Al Shabaab  sacaadihii la soo dhaafay tiro dad ah ay ku xir xireen degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Al Shabaab ayaa Xasbiga ay dhigeen illaa iyo 76 Qof oo ka mid ah dadka deegaanka, kuwaas oo la sheegay in loo heysto soo dhaweyntii ay Shalay u sameeyeen Ciidamada Hunwanta oo la wareegay degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Awdheegle ee gobolkaasi Maxamed Aweys Abuukar oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa sheegay in dadkaasi lagu xiray Xasbi weyn oo ku yaalla degmadaasi Awdheegle.

Waxaana uu sheegay in loo heysto kaliya soo dhaweyntii ballaarneyd oo ay u sameeyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Aweys Abuukar Guddoomiyaha Awdheegle ayaa ayaan darro ku tilmaamay tallaabadii Ciidamadu ay dib uga soo baxeen deegaanadii ay la wareegeen.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.