Bariire (Sh M Network)—Wararka laga helayo Gobolka Sh.hoose ayaa sheegaya in Saaka Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay Weerar xoogan ku qaadeen Degaanka Bariire ee Gobolka Sh.Hoose.

Weerarkan oo ku bilaawday Qarax ayaa waxaa xigay Dagaal toos ah oo Xarakada Al Shabaab ay kula wareegeen saldhig Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin Degaanka Bariire oo qiyaas ahaan 30Km u jirta Degmada Afgooye ee Gobolka Sh.Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay 3 jiho ka soo weerareen Degaanka Bariire, waxaana halkaasi ka dhacay Dagaal culus oo u dhaxeeyay Dagaal yahanada Xarakada iyo Ciidamada Dowladda.

Jeneraal Maxamuud Xaaji Cali Sheegoow oo ah Sarkaal hogaaminaya Ciidamada Dowlada ee lagu weeraray Deegaanka Baroiire oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay qarxiyeen Gaarigii ugu horeeyay ee la doonayay in lagu qarxiyay Xerada Ciidamada Dowladda.

Waxaa uu intaasi ku daray in ay iska caabiyeen Weerarkii Xarakada Al Shabaab.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Degaanka Bariire oo qiyaas ahaan 40 mile dhanka Galbeed uga beegan Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegaya in Xoogaga Al Shabaab ay la wareegeen Maamulka Degaanka Bariire, islamarkaana ay halkaasi ka qabsadeen Gaadiid Dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya ugu yaraan 8 Askari oo uu ku jiro Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada dowladda in lagu dilay Weerarkii Xarakada Al Shabaab ee ka dhacay Degaanka Bariire ee Gobolka Sh.Hoose.