Jilib (Sh M Network)—Wararka laga helayo Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Askar ka tirsan Maamul Goboleedka Jubaland ay Xarakada Al Shabaab ku soo bandhigeen Magaaladaasi.

Askartan oo tiradoodu gaareyso 3 Ruux kana mid ahaa Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa lagu soo bandhigay goob fagaaro ah oo ay isku yimaadeen Boqolaal Ruux.

Saraakiil ka tirsan Xarakada Al Shabaab iyo Ehelada Askartaasi ayaa ku soo dhaweeyay Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexee.

Askartan oo goobta faaragaha aheyd ka hadlay ayaa waxey sheegeen in 3 maalmood ka hor ay ka soo goosteen Maamulka Jubaland ayna isku soo dhiibeen Xarakada Al Shabaab iyagoo hubkooda wata.

Muddooyinkii ugu dambeeyay Xarakada Al Shabaab ayaa sidan oo kale u soo bandhigayay Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa ka howlgalla Gobolada Dalka iyadoo dhawaan Xarakada Al Shabaab ay soo bandhigeen Taliyihii Ciidamada magaalada Ceelbuur.