Nairobi ( Sh. M. Network )-Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in Xarakada Al Shabaab ay dhalinyaro badan oo reer Kenya ah ka qortaan deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

Guddoomiyaha Mandera Cali Roba ayaa xusay in dhalinyaro badan ay ku biiraan Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in arrintaasi ay halis weyn ku tahay amniga Kenya.

Mr Roba oo khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay magaalada Milindi oo looga hadlayay horumarka iyo amniga  dalka ayaa sheegay in muhiimada dalka ay tahay wax ka qabashada dhinaca amniga.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dowladda Kenya aysan wax badan ka qaban karin ka hortagista dhalinyarada reer Kenya ee ku biiraya Xarakada Al Shabaab, isagoo sheegay in boqolaal ka mid ah dhalinyaradaasi ay aadeen dhinaca Somalia.

Xubnaha ka qayb galayay shirka magaalada Milindi ayaa dowladda Kenya ugu baaqay in ay xoojiyaan ammaanka dalka, gaar ahaan deegaanada ku dhaw xadka Somalia.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fuliya deegaanada ku teedsan xadka Somalia.