Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay gaareen Deegaano ku teedsan Degmadaasi.

Degaanada Al Shabaab ay gaareen ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Ceelcade ee Gobalkaasi waxaana Ciidamadan ka tirsan Al Shabaab la sheegay in ay kasoo baxeen Gobolka Jubbada Dhexe.

Dhinaca kale hawada Deegaanada ay dhaq dhaqaaqa ka wadaan Al Shabaab ayaa la soo shegayaa in ay dul heehaabayaan Diyaarado jawi hoose ku socdo.

Mudooyinkii danbe waxaa sii kor dhayay dhaq dhaqaaqyada Al Shabaab ay ka sameeynayaan Deegaano ka tirsan Gobalada Dalka kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Al Shabaab.