Guriceel ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen Deegaano ku teedsan Degmadaasi.

Deegaanada Al Shabaab ay la wareegeen ayaa waxaa kamid ah Deegaanka Dhagaxyaale oo dhinaca Galbeed kaga beegan Degmada Guriceel.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al Shabaab kaas oo ku aadan Deegaanada Cusub ee ku teedsan Degmada Guriceel oo aay Maanta Ciidamadoodu gaareen.

Dhinaca kale Saraakiil katirsan Maamulka Ahlu Sunna oo la hadlay Idaacada Shabelle ayaa sheegay in ay qorsheynayaan Howlgal ay ku qaadaan Deeganada Al Shabaab ay la wareegeen.