Somalia al-Shabab Americans Defect

Bu’aale ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa maanta Fagaare ku yaalla Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe  ku Toogtay 4 Nin oo ay ku eedeeyeen falal xariiro Basaasnimo.

Waxaana goobta xukunkaasi Toogashada ah lagu fulinayay ku sugnaa madax ka tirsan Al Shabaab iyo Dadweyne.

Afarta Nin ee la Toogtay ayaa kala ahaa:-

1 C/risaaq Xaashi Cabaas oo lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa Sirdoonka Itoobiya.

2 Cumar Cadar Cumar oo ay Al Shabaab sheegeen in uu ka tirsanaa ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya

3 Maxamed Aba Mayow oo isna lagu eedeeyay in uu basaas u ahaa dowladda Soomaaliya.

4 Mustaf Macalin Xasan oo ay Al Shabaab ku eedeeyeen in uu u shaqeynayay Sirdoonka Itoobiya.

Al Shabaab ayaa horay sidan oo kale u dilay Rag ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen basaasiyeen ku dhex jiray, kuwaas oo ay  ku toogteen Fagaareyaal ku yaalla deegaanada ay ka arrimiyaan.