Nairobi ( Sh. M. Network )-Dowladda Kenya ayaa sheegtay in askar ka tirsanaa ciidanka Booliska dalkaasi ay ku geeriyoodeen weerar dhabba gal ah oo ay la galeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Askarta geeriyootay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa illaa 12 askari oo ka tirsanaa aidanka Booliska, waxa ayna ku geeriyoodeen weerar ka dhacay Xadka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay Wado xariiriso Dhadhaab iyo deegaan lagu magacaabo Borehole oo u dhow Xadka Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale weerarkan ayaa sababay dhaawaca tiro kale oo ka tirsan ciidanka la weeraray oo ku safrayay Xadka labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ceynkan oo kale ah ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo ku sugnaa Xadka labada dal, iyagoo sidoo kale weeraro ku qaado deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee Dalkaasi Kenya.

Dowladda Kenya ayaa gudaha Soomaaliya waxaa uga sugan ciidamo aad u fara badan, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.