New York ( Sh. M. Ntwork )-Xarakada Al Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay Malaayiin Dollar ka helaan Sanad kasta Lacagaha Gargaarka ah ee loogu talay galay Soomaaliya.

Baaritaan uu dhawaan sameeyay Telefshinka CNN oo fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa sheegay in Lacag badan oo Qaramada Midoobay ay ugu tala gashay in lagu Gargaaro dadka ay saameyeen abaaraha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya ay gasho gacanta Al Shabaab.

Telefishinka CNN ayaa xusay in xogo badan ay ka heleen sarkaal hore ugu tirsanaa Al Shabaab hadana la shaqeeya Ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo ay magaciisa qariyeen.

Sarkaalkaasi ayaa sheegay in Al Shabaab ay Lacago badan ka helaan gobollada ku yaalla koonfurta Soomaaliya oo la gaarsiiyo Gargaarka ugu badan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Al Shabaab ay qaabab kala duwan Lacago joogto ah ay maalin walba ku helaan.

Mid ka mid ah baarayaasha CNN ayaa sheegay in maalin walbo Al Shabaab ay Lacag gaareysa 5000 oo Dollar ka helaan jidgooyooyin ay Lacago kaga qaataan Gaadiidka isticmaala Waddooyin ku yaalla koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa hore u sheegtay in Al Shabaab ay u gacan gasho qaar ka mid ah kaalmada ay siiso Soomaaliya.