Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in Xalay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay la wareegeen Deegaanka Basra oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolkaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isaga baxeen deegaankaasi, kadib dagaal xoogan oo ka dhacay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in Al Shabaab baaritaano ay ka sameeyeen gudaha Deegaankaasi, iyo saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Basra ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Toddobaadki hore ayey ahayd markii ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Basra, waxaana Xalay dib ula wareegay deegaankaasi Al Shabaab.