Garissa ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha magaalada Garissa ee xarunta Waqooyi Bari dalka Kenya Cali Qorane oo Warbaahinta kula hadlayay magaaladaasi ayaa cambaareeyay weerarkii todobaadkani Al Shabaab ay ku qaadeen Gaari Bus ah oo marayay deeganada maamulkasi, halkaasi oo ay ku dileen 2 Qof oo Kenyaan ahaa.

Guddoomiyaha ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay falkaasi, islamarkaana sheegay in tallabadan ay tahay mid Al Shabaab ay ku kula qeybinayaan dadka Kenyaanka ah, maadaama ay bartilmaameedsanayaan dadka aan u dhalanin gobolka Waqooyiga Bari ee dalkaasi, sida uu hadlka u dhigay

Cali Qorane ayaa intaasi ku daray in muwaadiniinta dalkaasi marka ay joogaan qeybaha kale ee Kenya ay si nabadgalyo ah ku maraan, islamarkaana ay xaq u leeyihiin, si lamid ah in Gobolka Waqooyi Bari ay ku nabad galaan.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli Jimcihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay dhaxda u galeen Gaari bus ah oo marayay inta u dhexeysa deegaanada Hulugho iyo Sebenal ee magaalada Gariisa, halkaas oo ay ku dileen Labo Qof oo ka mid  ahaa Rakaabkii saarnaa Gaarigasi.