Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar culus Saakay ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolkaasi.

Waxaana lagu soo warramayaa in halkaasi uu ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al Shabaab oo weerar ku qaaday fariisimo ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi Bariire.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in dagaal saacado qaaday uu ka dhacay halkaasi, islamarkaana la’isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Lama oga illaa iyo haatan khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, mana jirto weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi.

Dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab ay weerar khasaaro geystay ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, halkaasi oo ay ku dileen askar fara badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ee ku sugan deegaankaasi.