Qansaxdheere ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin Ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmadaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo muddo Saacado ah socday, waxaana la sheegay in la’isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Xarakada Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa guulo ka sheegtay, waxaana baraha Internet-ka ay ku baahiyeen in ay la wareegeen Saldhigaasi, kuna qabsadeen Hub, sida ay hadalka u dhigeen.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi.

Balse had iyo jeer Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha Ciidamada dowladda, kuwa K/ Galbeed ay ku leeyhiin gobollada Baay iyo Baool ee Koonfura Soomaaliya.