Jowhar ( Sh. M. Network )-War Xarakada Al Shabaab ay ku baahiyeen baraha internet-ka ayaa waxa ay kaga hadleen weerar Ciidmada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Jameeco Jilliyaale ee g/ Shabeelaha Dhexe. .

Al Shabaab ayaa xusay in weerarkaasi lala beegsaday Machad ay wax ku baranayeen Caruur isku Beel ah, islamarkaana lagu dilay illaa 5 Carurr ah iyo mid ka mid ah Macalimiintii wax barayay.

Sidoo kale Warkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Caruurtii wax ka baraneysay Machadkaas ee noqdeen kuwa la dilay, qaar la kaxeestay, sida ay hadalka u dhigeen.

Warkan ka soo baxay Al Shabaab ayaa imaanaya, xilli saraakiisha Ciidamada Dowladdu ay sheegeen in weerarkaasi lagu qaaday xarun lagu tababari jiray dagaalyahannada Al Shabaab.