Muqdisho ( Sh. M. Networ )-Xarakada Al Shabaab aya sheegatay masuuliyadda dilka Aabaha dhalay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute.

War qoraal ah oo Al Shabaab ay ku baahiyeen baraha Internet-ka ayey ku sheegeen in iyagu ay ka dambeeyeen dilka Marxuum Cali Nuur Shuute oo Xalay lagu dilay degmada Dharkenley ee G/ Banaadir.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dilkaasi.

Balse muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay falal liddi ku ah ammaanka sida dilal qorsheysan iyo weeraro qaraxyo ah.