Jowhar ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay  in illaa laba Askari ay ku dileen dagaal ka dhacay duleedka degmada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/ Dhexe.

Sida ay ku baahiyeen Al Shabaab barahooda Internet-ka Askartaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dileen deegaanka Sabuun ee gobolkaasi.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in dagaalkaasi u dheexeeyay maleeshiyaad deegaanka ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada dowladda iyo maamulka HirShabelle oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee ku dhaqan halkaasi.