Afgooye ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax xoogan oo Barqanimadii maanta ka dhacay G/ Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso, ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda oo ku sugnaa Maqaaxi ku taalla deegaanka Buufow ee Gobolkaasi.

Al Shabaab ayaa baraha Internet-ka ku baahiyay in qaraxaasi ay ku dileen illaa 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Dowladda, kuna dhaawaceen 2 kale.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Dowladda ee G/ Shabeelaha Hoose oo ku aadan qaraxaasi.

Balse xaaladda ayaa hadda dagan, waxaana halkaasi howlgallo ka sameeyay Ciidamada Dowladda, inkasto aysan shaacin natiijada baaritanadaasi.