Lamu ( Sh. M. Network )-Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qarax xoogan oo ka dhacay magaalo Xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Qaraxa oo aha nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxa ay Al Shabaab sheegeen in ay la’egteen kolonyo ka tirsan Ciidamada milatariga dalkaasi ee KDF.

Al Shabaab ayaa warkan ku sheegay in qaraxaasi ay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiyeen illaa 9 Askari oo Kenyaan ahaa.

Sidoo kalena ay ku gubeen halkaasi mid ka mid ah Gaadiidka Ciidamada Kenya, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka baxay dhanka dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi.

Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya.