Jilib (Sh. M. Network)-Askarigaan oo Magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Ciise Sheikh Maxamuud kana tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa Al Shabaab waxa ay ku soo bandhigeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, kadib markii ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Maamulkooda.

Saraakiisha Al Shabaab ee ka hadlay  goobta lagu soo bandhigayay Askarigaasi ayaa sheegay in Askarigani uu si gaar ah ula shaqeynayay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Xerada ma dhamaato oo duleedka ka xigta Magaalada Kismaayo.

Ma jiro wax war ah oo Maamulka Jubbaland ay ka soo saareen Isi soo dhiibista Askarigaasi ay sheegeen Al Shabaab in uu ka tirsanaa Maamulkaasi Jubbaland.