Baladweyne ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Al Shabaab saacadihii illaa iyo 6 ganacsato ah ay ku dileen nawaaxiga deegaanka Qurac-Joome ee gobolkaasi.

Ganacsatada la dilay ayaa la sheegay in shixnado Ganacsi ay geeyeen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ee K/ Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al Shabaab ay gubeen illaa iyo 11 gaari oo la sheegay in shixnado ganacsi ay geeyeen magaaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Hiiraan Muxumed Cali Maxamuud oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.