Afgooye ( Sh. M. Network )-Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday dhowr fariisin oo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Waxaana weerarkaasi xigay dagaal foolka fool ah oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al Shabaab, kaas oo muddo saacado ah qaatay.

Guddoomiyaha degmada Afgooye Cabdinaasir Macalin Ibraahim oo la hadlay Idaacadda Shabeelle ayaa sheegay in weerarkaasi uu jiro, balse ay iska caabiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu tilmaamay in dagaalayahannada Al Shabaab ay ku hareereysan yihiin  degmada Afgooye, halkaas oo uu xusay in mar walbo ay weeraro ka soo qaadaan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, mana jiro illaa iyo haatan wax war ah oo ay ka soo saareen Al Shabaab.