Mahadaay (Sh. M. Network)-Wararka aan ka heleyno degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku soo warramaya in weerar xoogan maanta uu ka dhacay degmadaasi.

Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in illaa 3 jiho ay ka weerareen degmadaasi Mahadaay, islamarkaana ay weerar culus ka fuliyeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halka loo yaqaan Buundada oo ah Afaafka hor ee laga galo degmadaasi Mahadaay.

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in 2 Askari looga dilay weerarkaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen Saldhiga Ciidamada dowladda ee ku yaalla degmadaasi Mahadaay.

Dhinacooda Al Shabaab ayaa sheegay in Weerarka maanta ay ku qaadeen degmada Mahadaay ay ku dileen tiro Askar iyo Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Maamulka degmadaasi Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.