Nairobi ( Sh. M. Network )-Sida la xaqiijiyay 1 Qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay, halka sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska dalka Kenyana uu ku dhaawacmay, kadib markii Al Shabaab ay weerar dhaba gal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan Booliska dalkaasi oo la socday gaadiidka dadweyne oo ka soo ambabaxay deegaan Xeebedka Lamu ee dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegay in gawaaridaasi dadweynaha ay ka soo baxeen Lamu, kuna soo Jeedeen magaalooyinka Malindi iyo Mombasa, kadibna weerar kala kulmeen Al Shabaab.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray Ciidamadii Ilaalinayay gawaaridaasi dadweynaha iyo kooxihii weerarka soo qaaday ay Israsaaseyn isweydaarsadeen, islamarkaana uu 1 Qof ku dhintay weerarkaasi, sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska ee dalkaasi.

Al Shabaab ayaa alaaba weeraro jid gal ah ku qaada Ciidamada Dowladda Kenya, xilliyada ay ku socdaalayaan Waddooyinka isku xira deegaanada iyo degmooyinka ku dhow Xudka ay wadagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.