Dhoobley ( Sh. M. Network )-Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa Xalay weerar culus ku qaaday fariisin Ciidamada Maamulka Jubbaland ay ku leeyihiin Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab weerar 2 jiho ah ay ku qaadeen xaruntaasi Ciidan, islamarkaana dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Muddo saacado ah uu qaatay dagaalkaasi, la’iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi, balse Ciidamada Jubbaland ayaa saakay howlgallo ballaaran ka wada qeybo ka mid ah Dhoobley.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan  khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada fariisamaha Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Gobollada Jubbooyinka.

Waxaana  dhawaan weerar khasaaro dhaliyay ay ku qaadeen Deegaanka Buulo-Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo saldhig milateri ay ku leeyihiin Ciidamada Maamulkaasi Jubbaland.