Boosaaso ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar Madaafiic ah oo Al Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ku garaaceen Saldhig Ciidamada Maamulka Puntland ay ku leeyihiin Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Ilo deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen afaafaka hore ee Saldhigaasi.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidamada Puntland ka soo gaaray  weerarkaasi.

Mana jiro weli wax war ah oo ay saraakiisha Ciidanka Maamulkaasi Puntland ka soo saareen weerarka lagu qaaday Saldhigga Ciidanka Puntland ee Buuraleyda Galgala.

Muddooyinkii dambe Al Shabaab ayaa labo jibaaray weerarada ay ku qaadaan fariisamaha Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Gobolkaasi Bari ee Puntland.