Boosaaso ( Sh. M. Network )-Dagaalayahanno ka tirsan Al Shabaab ayaa Xalay weerar Madaafiic ah ku qaaday Saldhig Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka dhacay Saldhig Milateri oo ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-urur ee Gobolkaasi Bari.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan waxa ay sheegeen in khasaaro ay gaarsiyeen Ciidanka Puntland, inkastoo aysan shaacin inta uu la egyahay.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland oo ku aadan weerarkaasi.

Balse Xaaladda ayaa ah mid dagan, waxaana Saakay howlgallo ka sameeyay Af-urur Ciidamada Puntland, kadib weerarkii Xalay ka dhacay Deegaankaasi.