Afgooye (Sh. M.Network)-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Bariire oo dhaca duleedka Magaalada Afgooye ayaa ku soo waramaya in weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen Al Shabaab Saldhigyo ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in tiro Madaafiic ah ay ku dhaceen gudaha Saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMIOSM ay dhawaan ka sameysteen deegaankaasi Bariire oo ay  kala wareegeen Xarakada Al Shabaab.

Lama oga ilaa iyo hada Khaasaraha ka dhashay weerarkaasi ee Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinacakale wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku soo waramaya in dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar Hoobiyayaal ah ku qaadeen saldhigyo ciidanka Itoobiya iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-gaduud oo Qiyaastii 75 Km dhinaca Waqooyi ka xiga Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana lagu soo waramayaa in Laba Saldhig oo ay kala daganaayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jubbaland lagu weeraray Madaaficdaasi, maana jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa inta badan weeraro gaadma ah ka fuliya deegaanada Jubbooyinka, gaar ahaan saldhigyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin Gobolladaasi Jubbooyinka, kuwaasi oo ay waxyeelo ka soo gaarto Ciidankaasi.