Waajid ( Sh. M. Network )-Dagaalayahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa Xalay Saqdii Dhexe weerar Madaafiic ah ku qaaday fariisin Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

War qoraal ah oo ay Al Shabaab ku baahiyeen baraha Internet-ka ayey ku sheegeen in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya, inkasto aysan shaacin inta uu la’egyahay.

Ilo madax banaan oo ku sugan degmadaasi Waajid ayaa sheegay in labada dhinac ay is weydaarsadeen Hub culus, islamarkaana uu jiro khasaaro, balse aan la xaqiijin karin.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bakool oo ku aadaan weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa had iyo jeer weraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada xarumaha Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Gobolkaasi.