Kismaayo (Sh. M. Network.)-Xarakada Al Shabaab ayaa weerar Madaafiic ah wax ay Saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen Saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland oo ku yaalla deegaanka Buulo Gaduud, kaas oo 30 Km u jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaana Al Shabaab ay ku sheegteen Baraha ay Internetka ku leeyihiin in weerarkaasi ay ku dileen illaa 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale majiro wax war ah oo ay uga warceliyeen sheegashada Al Shabaab , saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya intaba.

Gobolka Jubbada Hoose oo ay ku xoogan yihiin Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxaa weeraro kala duwan ka geysta dhaq dhaqaaqa Al Shabaab, weeraradaas oo mararka qaar Khasaarooyin ay ka soo gaaraan Ciidamadaasi.