Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab weerar xoogan ay ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolkaasi.

Weerarkan oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu qaaday Guri uu magaaladaasi ka daganaa taliyaha Ciidanka Booliska deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u sheegay in xilliga weerarka uu dhacayay ay ku sugnaayeen taliyaha la weeraray Gurigiisa isaga iyo saraakiil kale oo ka tirsan maamulka K/ Galbeed Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay illaa 3 askari ayaa ku dhimatay weerarkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo uu ku jiro taliyaha deegaanka Deynuunaay ee gobolkaasi.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa dusha u ritay masuuliyaddiisa, sida ay ku baahiyeen barahooda internetka.

Xaaladda ayaa saakay dagan, iyadoona Ciidamada maamulka K/Galbeed howlgallo xoogan ay ka wadaan gudaha M/ Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.