Lamu (Sh. M. Network) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay Weerar Xarakada Al Shabaab ay ku qaadeen Deegaan dhaca Magaalada Lamu ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Taliyha Ciidamada Booliska,  Larry Kieng  ayaa waxuu sheegay in Xoogaga Xarakada Al Shabaab ay dileen 4 Ruux, islamarkaana ay dab qabadsiiyeen guryo ku yaalla Magaalada Lamu.

Waxaa uu sheegay in 3 Ruux loo soo xiray Weerarkaasi ka dhacay Magaalo Xeebeeda Lamu ee Dalka Kenya.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab oo dhabarka u ritay mas’uuliyada Weerarkaasi ayaa sheegay in ay dileen ugu yaraan 5 Ruux.

Xarakada ayaa weeraro dhowr ah ka fulisay Deegaano dhaca Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, iyadoo ay xusid mudantahay in Tobanaan ruux lagu dilay qeybo ka mid ah Dalkaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii 5 Askari lagu dilay Weerar gaadmo ahaa oo ka dhacay Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in toogasho lagu dilay Sarkaal sare oo ka mid ahaa Xarakada Al Shabaab oo ka dambeeyay Weeraro ka dhacay Deegaanka Mpeketoni ee Dalka Kenya.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xuseen Saciid Cumar ayaa lagu dilay howgal laga sameeyay Deegaanka Bamburi ee Magaalada Mombasa ee Dalkaasi.

Booliska waxaa uu xusay in ninkan sidoo kale loo yaqaano Babli, islamarkaana uu ka dambeeyay Weerar 2014-kii lagu dilay ugu yaraan 60 Ruux.

Waxaa Boooliska ay sheegeen in Sarkaalkan muddo la doon doonayay balse haatan Booliska ay ku guuleysteen in toogasho ay ku dilaan.

Booliska ayaa qeexay in Ninkan uu ka howlgalayay Keymaha Booni oo la aaminsan yahay in fariisimo ay ku leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan dilka Sarkaalkaasi ay sheegteen Booliska Kenya.