Ceelwaaq ( Sh. M. Network )-Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab xalay ay gudaha u galeen degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in Al Shabaab ay la wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmadaasi.

Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in hawada ay ka saareen Isgaarsiintii magaaladaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uuliyiinta maamulka degmada Ceelwaaq ay u baxeen dhanka xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga ee gobolka Gedo Ismaan Nuux Xaaji oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ay wadaan qorsheyaal ay uga hortagayaan weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan gobolkaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga