Waajid ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Xalay Al Shabaab weerar Madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Waajid ee Gobolkaasi.

Waxaana lagu soo warramyaa in dhankooda Ciidamada Itoobiya ay ku jawaabeen Madaafiic.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhawaac, balse aan la xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka Bakool oo ku aadan weerarkaasi.

Balse dhawaan ayey ahayd markii Al Shabaab weerar ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin duleedka degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi Bakool.