Afgooye ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen duleedka degmada Afgooye , gaar ahaan Bar Control oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo muddo saacado ah qaatay, kaasi oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda shabelle ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, walow aan la ogeyn inta uu la egyahay.

Xarakada Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa Baraha ay ku leeyihiin Internka waxa ay ku sheegeen in weerar qorsheysan ay ku qaaden Control ay ku suganayeen ciidanka Dowladda, islamarkaana  ay ku dileen halkaasi 2 Asakri oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Al Shaabaab ayaa sheegtay in Mooto iyo Lacago ay ka qaateen halkaasi sida ay ku baahiyeen Barahooda Internetka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weerarkaasi.

Balse dagaayahannada Xarakada Al Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.