Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ciidamada AMISOM oo Barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii qarax Miino Ciidamada AMISOM lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaanada Gololey iyo Ceelka Gelow ee gobolkaasi.

Waxaana la sheegay in qaraxa kadib dagaal foolka fool ah oo muddo socday uu ka dhacay halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Dhinaca kale waxaa ay faah faahinno dheeraad ah ka soo baxayaan qaarax khasaaro geystay oo Saakay ka dhacay isla duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa ahaa nuuca Miinada dhul lagu aaso, taas oo la sheegay in la kacday Gaari Yuudhii ah, oo marayay deegaanka Haan-Sheekh ee gobolka Sh/ Dhexe.

Waxaana qaraxaasi ku Geeriyooday inta la xaqiijiyay illaa 2 Qof oo uu ku jiro Darawalkii Gaarigaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad oo ku aadan qaraxaasi.

Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay deegaano hoos yimaada degmada Balcad ee gobolkaasi.