Muqdisho ( Sh. M. Network )-Madax ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM iyo saraakiil ka tirsan kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan gaar ah oo looga hadlayay horumarka laga sameeyay ammaanka ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen qaar ka mid ururada iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa si weyn looga hadlay dhinaca amniga dalka iyo wixii qabsoomay sannadkii la soo dhaafay.

Wasiirka Gaashaandhigga dowladda federaalka ah Soomaaliya oo shirkaasi ay wada guddoominayeen wakiilka midowga afrika ee Soomaaliya ayaa xusay in meel wanaagsan ay mareyso howlaha la xiriira dhinaca ammanaka dalka

Waxaana uu intaasi ku daray in howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka ay ka sameeyaan gobollada Shabeelaha Hoose, iyo Shabeelaha Dhexe, iyagoo kaashanaya Ciidamada AMISOM

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Mr Madeira ayaa tilmaamay in Ciidamada AMISOM ay door weyn ka qaadan doonaan qorshaha ku meel gaarka ah ee mas’uuliyada amniga dalka loogu wareejinayo Ciidamada dowladda Soomaaliya