????????????????????????????????????

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliya ay ka caawinayaan dhismaha xarumo Isgaarsiineed oo laga sameeya dowladda goboleedyada dalka.

Sarkaal ka tirsan waaxda horumarinta Booliska AMISOM ayaa xusay in arrintaasi ay keeneyso isfaham dhex mara Booliska iyo shacabka, si loo xoojiyo amniga dalka.

Leon Ngulube oo ka tirsan madaxda booliska AMISOM ayaa dhawaan sheegay in ay kor u qaadayaan tababarada ay siiyaan Ciidamada Booliska ee Soomaaliya.

Mr Ngulube ayaa intaasi ku daray in saraakiil dhawaan ay u soo xireen tababar la xiriira dhinaca Isgaarsiinta ay ka howlgali doonaan xafiisyada Isgaarsiinta Booliiska ee Soomaaliya .

General Xasan Culusow oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgalka AMISOM uga  mahad celiyay tababarka ay siiyeen xubno ka tirsan Booliska dowlad goboleedyada dalka.

Waxaana uu xusay in AMISOM ay door weyn ka qaadatay tayeynta Ciidamada Booliska Soomaaliya.

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa wada tababaro gaar ah oo siinayaan Ciidamada Booliska Soomaaliya, si ay u xoojiyaan ammaanka dalka.