Muqdisho ( Sh. M. Network )-Taliska Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka qoomameeyay mid ka mid ah Gaadiidkooda Dagaalka oo Gaari ku jiiray Magaalada Muqdisho.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska ayaa lagu xusay in wax laga xumaado uu yahay falkaasi, islamarkaana ay ka qoomameynayaan.

Warkan ayaa sidoo kale lagu qeexay in shilkaasi uu ka dambeeyay, kadib markii Darawalka uu xakameyn waayay koontaroolka Gaariga.

Waxaa sidoo kale Warkaasi lagu xusay in Taliska AMISOM ay la xiriiri doonaan Shaqsigi la haa Gaariga.

Sikastaba, Taliska AMISOM ayaa xusay in ay ka go’an tahay la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo helo Nabadda iyo Xasiloonida la hiigsanayo.