Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ku xigeenka Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaliya Simon Mulongo  oo  booqday Isbitaallada ay ku jiraan dhaawacyada Askar ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa ka warbxiyay Xalaadda Caafimaad ee Askartaasi

Askartani ayaa ku soo dhaawacmay dagaal Al Shabaab iyo iyaga ku dhexmaray degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhex, kuwaas oo haatan lagu dabiibayo Isbitaallo AMISOM ay ku leeyihiin gudaha xerada Xalane.

Mr Mulongo ayaa xusay in xaaladda caafimaad ee Askartaasi ay ka soo hagaageyso dhaawacyadii ka soo gaaray Weerarkaasi.

Isbitaalka uu boqashada ku tagay Simon Mulongo ayaa waxa ku iray illaa 3 Askari oo ku soo dhaawacmay dagaalkasi, sida uu sheegay masuulkaasi, walow uusan cadeynin in Isbitaallada kale AMISOM ay geeyeen dhaawacyo kale.

Dowladda Burundi ayaa horay u xaqiiijisay in dagaalkasi looga dilay illaa Shan Askari oo ka tirsanaa Ciidameeda ka howlagla Soomaaliya.

Al Shabaab oo ka hadlay weerarkaasi ayaa dhankooda sheegtay in gadaalkaasi ay kudileen in badan 20 Askari.