Baydhabo ( Sh. M. Network )-Illaa 15 sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar gaar ah oo qaatay 3 todobaad loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo xarunta KMG ee Maamulkaasi.

Waxaana tababarka oo uu qabtay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya saraakiisha ka qeyb galeysay laga soo xulay Degmooyinka Gobolka Baay, iyadoo la barayay qaabka loo baaro dambiyada.

Taliyaha Laanta Baarista Dambiyada CID ee Koonfur Galbeed ayaa xusay in tababarkaasi uu muhiim u ahaa saraakiisha ka qeyb gashay, isaga oo sheegay in Booliska Maamulkaasi ay ku yartahay Aqoonta Baarista Dambiyada.

Xiriirayaha Booliska AMISOM ee Koonfur Galbeed Tresphord kasale ayaa hoosta ka xariiqay in u jeedka tababarkan ay tahay in la xoojiyo qaabka loo baaro Dambiyada, taas oo muhiim u ah shaqooyinka ay qabtaan ciidamada Booliska.

Mr Trashord ayaa intaasi ku daray in tababarkaasi uu awood siinayo Laanta Baarista Dambiyada ee KooNfur Galbeed in ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan Dambiyada waaweyn ee ka dhaca deegaanadaasi.

Howlgalka AMISOM ayaa ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada siiyo tababaro la xiriira dhinaca sharciyada Booliska.