Jowhar ( Sh. M. Network )-Taliyaha Ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika General Jim Beesige ayaa Ciidamada AMISOM ugu baaqay in ay xoojiyaan howlgaLlada ay la sameeyaan ciidamada milateriga Somalai.

Mr Beesige ayaa sheegay in dhawaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Somalia ay si wadajir ah u qaadi doonaan howgallo ka dhan ah Xarkada Al Shabaab, si loo xaqiijyo ammaanka dalka.

Taliyaha oo booqasho ku tagay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle ayaa Ciidamada AMISOM ku ammaanay doorka ay ka qaateen sugida amniga deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Jim Beesige ayaa waxaa uu booqday taliska qeybta shanaad ee Ciidamada nabad ilaalinta Midowga aArika halkaas oo uu kulamo kula qaatay saraakiisha qeybtaasi.

U jeedka safarka taliyaha Ciidamada AMISOM ee Somalia ayaa lagu sheegay in uu u kuur galayay howlgallada Ciidamadaasi ay ka wadaan gobolada koonfurta iyo bartamaha ee Somalia.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ayaa qiimeyn gaar ah ku sameynayey tababarada Ciidamada AMISOM ay siiyaan kuwa dowladda federaalka ah ee Somalya, iyadoo lagu jiro qorshaha ku meel gaarka ah ee Ciidamada somaliy loogu wareejinayo mas’uuliyada amniga dalka.

Mr Jim ayaa horay booqashooyin ugu tagay magaalooyinka Baydhabo,Beledweyne iyo Balidoogle.